Qaramada Midoobay oo Wefti Culus u soo diraysa Somaliland

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan

Hargeysa(Aftahannews):- Qaramada Midoobay ayaa Wefti culus u soo diraysa Caasimadda  Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa loo sheegay in Maalmaha soo socda ay Somaliland safar ku imanayaan Wefti ka socda Qaramada Midoobay, kuwaasi oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, kaasi oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho.

Ma jiro War Rasmiya oo weli ka soo baxay Safarka Weftiga Qaramada Midoobay, balse waxa la sheegay inay dalka u imanayaan xal u helidda khilaafkii dhawaan soo kala dhex galay Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan

Somaliland ayaa dhamaadkii sannadkii hore joojisay Hawlihii Qaramada Midoobay ka haysay dalka, ka dib markii ay soo baxday in qorshaheeda Waxqabad ee afarta sanadood ee soo socda uu waafaqsan yahay ka Dawladda Soomaaliya.

Hore, waxa dhowr jeer khadka Telefoonka ugu wada-hadlay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, iyagoo ka wada-hadlay sidii loo soo afjari lahaa xurguftaasi, balse illaa hadda ma muuqdo xal la gaadhay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.