Xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha Puntland oo sharci darro ku tilmaamay hannaankii loo maray xildhibaanadii xasaanada laga qaaday

Garoowe (Aftahannews) – Xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamay hannaankii loo maray in xasaanada lagaga qaado 8 xildhibaan oo katirsan barlamaanka dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo horaantii bishii December ee sanadkii hore xilka laga xayyuubiyay.

Xafiiska difaacaha oo arrintan qoraal dheer kasoo saaray ayaa talo sharci kusoo jeediyay in golaha garsoorka iyo golaha xukuumada Puntland dib u eegis ku sameeyaan habraacii sharci ee loo maray dacwada siddeeda xidlhibaan.
Wuxuu sheegay in go’aanka maxkamada aan lagu salayn qodobka 43-aad xarafkii B, oo tilmaamaya xaqa is-difaaca muwaadinka.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.