Mareykanka oo ciidankiisa kala baxay guud ahaanba Soomaaliya

ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya
ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Saraakiisha Militariga Mareykanka ayaa sheegay in labo cisho ka hor la dhameystiray ka bixista ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya oo ku beegneyd wakhtigii kama danbeysta ahayd ee madaxweyne Donald Trump uu u qabtay.

Khubarada qaar ayaa ka digay in ka bixista gudaha dalka Soomaaliya 700 oo Askari lagu soo beegay wakhti aad u xun oo aan ku habooneyn gaar ahaan marka la eego sida Al-shabaab ay u sii hagaajiyeen xirfadahooda dhinaca dagaalka iyo waliba weerarrada qaraxyada loo adeegsanayo.

Sidoo kale, talaabadan uu Mareykanka ciidankiisa kala baxay Soomaaliya ayaa imaneysa xili wax ka yar bil ay ka hadhsan tahay wakhtiga ka hadhsan muddo xileedka dowladda hadda jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya
ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya

Afhayeenka Taliska Mareykanka ee Afrika Col. Chris Karns  oo wax laga weydiiyay suurtagal nimada in madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden uu ka laabto taalabadan uu Trump uga saaray Soomaaliya ciidanka Mareykanka ayuu yidhi” ma haboona in aynu wax mala-awaalno.

Wuxuu sheegay in ay Soomaaliya ay ku hadheen tiro yar oo aad u kooban oo Mareykan ah kuwaa oo ka caawin doona ciidamada dowladda Soomaaliya dhinaca farsamada.

Al-shabaab ayaa waxaa ay joogteeyeen weerarrada ay ku qaadaan ciidamada dowladda iyo saldhigyada militari ee AMISOM iyadoo maalintii shalay ay weerar dhabo gal ah ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Sidii.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.