Xisbiyada Oo Guurtida Oo Ka Sugaya Inuu Is-waafajiyo Muddo-kordhintii Uu U Sameeyay Goleyaasha Wakiillada Iyo Deegaannada & Xilligan Doorashada Loo Cayimay

Hargeysa (Aftahan) – Hoggaanka sare ee saddexda xisbi qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si wada-jir ah u soo dhaweeyey maalinta ay xubnaha komishanka doorashooyinka qaranku u cayimeen inay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo ah 31/05/2021, waxana ay farriin u direen golaha guurtida oo iyagu iska leh awoodda ugu dambaysa ee cayimaadda doorashada.

Ka dib, kulan wada-jir ah oo ay la qaateen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayey hoggaanka sare ee saddexda xisbi-qaran shaaca ka qaadeen inay si buuxda u taageersan yihiin muddada ay xubnaha komishanka doorashooyinku soo jeediyeen in dalka laga qabto doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka.

Ugu horrayn ku simaha xog-hayaha guud ee xisbiga UCID, Mudane Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax, ayaa shaaciyey inay xisbiyada qaranku iyaga oo isku duuban isku raacsan yihiin sidii doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada loo qaban lahaa maalinta ay komishanka qaranku soo jeediyeen oo ah 31-ka bisha shanaad ee sannadkan aynnu ku jirno ee 2021-ka, waxana uu golaha guurtida ugu baaqay inay muhiimad gaar ah siiyaan waqtiga iyo ku midaysan yihiin Axsaabta qaranka iyo Komishanka qaranku.

Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa ugu horrayn si niyadsami leh u bogaadiyey dedaallada ay komishanka qaranka iyo xukuumaddu ugu jiraan sidii ay dalka doorasho uga dhici lahayd, isaga oo baaq u diray golaha guurtida, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi “Maadaama oo maanta aannu dadku diyaar u ahayn doorasho dambe oo dib inooga dhacda, waxannu go’aansannay guurtida inaannu ka dalbanno inay is waafajiyaan maalinta uu komishanku qabtay iyo maalinta ay cayimaan, cid Allaale iyo ciddii gacan ka geysatay diiwaangelinta, haddii ay komishanka tahay, haddii ay xukuumadda tahay, haddii ay odayaasha dhaqanka tahay iyo haddii axsaabta qaranka tahayba aad iyo aad baannu u bogaadinaynaa.”

Ugu Danbayn, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa hoosta ka xarriiqay inay axsaab ahaan ku wada midaysan yihiin in doorashada la qabto maalinta ay komishanka qaranku u cayimeen qabsoomidda doorashooyinka, isaga oo golaha guurtidana ugu baaqay inay dhegaystaan baaqa axsaabta, si looga dheeraado doorasho dambe oo dib u dhacda, waxaana uu yidhi, “Waxa ay xisbiyada qaranku isla qaateen inay si midaysan u taageeraan soo jeedinta ay soo jeediyeen komishanka doorashooyinku, waxa kale oo ay soo jeedinayaan si qaran ahaan aynu u midaysnaanno, dib-u-dhac dambena aanu innagu iman, maadaama oo ay guurtidu hore muddada u kordhisay, in guurtida, xukuumadda iyo xisbiyaduba ka wada hawl-galaan si la isu waafajiyo muddadii hore ee guurtidu tilmaantay iyo muddada imika komishanku soo jeediyeen.”

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office