Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha JSL Oo Xilka La Wareegay

Hargeysa (Aftahan) – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed, ayaa Maanta xilka u kala wareejiyey Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi loo soo Magacaabay Dr. Axmed Cali Maax oo hore u ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta, kaasi oo xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo Madaxweynuhu xilka ka qaaday Cali Xuseen Nuur.

Munaasibad Ballaadhan oo Maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Md. Axmed Muumin Seed oo hor-kacayey Agaasime-waaxeedyada iyo hawl-wadeennada kale ee Wasaaradda Beeraha oo soo gelbiyey Agaasimahoodii hore Dr. Axmed Cali Maax oo loo beddelay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga JSL, waxa kale oo Xafladda ka qayb-galay, Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha Marwo Yurub Abiib Cabdi,  Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Guddoomiyaha Barnaamijka Shaqo-Qaran Maxamd Jaamac (Mu’addinka), Wasiirro hore, Madax ka socotay Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah ee ay wada-shaqaynta leeyihiin Wasaaradaha Beeraha iyo xanaanada Xoolaha Agaasimeyaasha Waaxaha iyo Hawl-wadeennada Wasaaradda xanaanada Xoolaha JSL.

Ugu horrayn, Wasiirka Wasaaradda xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga JSL  Md. Siciid Sulub Maxamed, waxaanu soo dhaweeyay Agaasimaha cusub ee Wasaaraddiisa loo soo Magacaabay Dr. Axmed Cali Maax, waxaanu yidhi  “Agaasimihii hore ee aan Wasaaradda ugu imid, sidaa laga warramay wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo firfircoon oo dedaal badan. Agaasimaha cusub ee Dr. Axmed Cali Maax waxaan ka rejaynayaa inuu halkii ka sii qaado oo uu dardar-geliyo..”

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa amaanay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Beeraha Dr. Axmed Cali Maax, isagoo sheegay in iskaashigii isaga Wasiir ahaan iyo Dr. Maax uu dhalay Horumar ballaadhan oo Wasaaradda Beeruhu ku tallaabsatay, sidaasi darteedna uu Ilaahay uga baryayo inuu Xilka cusub ee loo Magacaabay ee ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga u fududeeyo “Dr. Axmed Cali Maax, waxaan leeyahay Ilaahay shaqada cusub ha kuugu fududeeyo sidii uu kuugu dhib yareeyay shaqadii Wasaaradda Horumarinta Beeraha..” ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed.

Munaasibadda oo ay sidoo kale  hadallo ka jeediyeen Wasiirka Diinta Awqaafta, Guddoomiyaha Barnaamijka Shaqo-Qaran, Xubno ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah, ayaa waxa iyaguna hadallo ka soo jeediyey Agaasimihii hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Cali Xuseen Nuur, waxaanu ka warramay waxyaabihii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha u qabsoomay muddadii uu xilka hayey “Waxaan imid Shaqaalaha Wasaaradda oo 32 ka mid ahi Guno qaataan iyadoo shaqaaluhu ahaayeen 438, sannadba sidaanu badh ugu soo daraynay Maanta shaqaaluhu Gunno way wada qaataan, mid walba Mushaharkiisa Guno leeg ayuu qaataa.” Ayuu yidhi, Agaasimihii hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cali Xuseen Nuur.

Gebogabadii, waxa halkaa ka hadlay Agaasimaha cusub  ee Wasaaradda xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Dr. Axmed Cali Maax, waxaanu yidhi  “Waan Hambalyeynayaa wixii la qabtay, sideedabana Shaqadu waa qori isku dhiib oo Ninba meel buu gaadhsiiyaa. Waxana rejaynayaa in halkii ay imika maraysay shaqadu inaan ka sii qaado haddii Ilaahay yidhaahdo, waan idiin sheegayaaye keligay waxba qaban kari maayo, markaa waxaan idinka rejaynayaa inaynu si fiican u wada shaqayn doono..”

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office