Somaliland: 4 Weriye oo Xabsi la Dhigay iyo Ururka SOLJA oo Si Adag uga Hadlay Xadhiggooda

Hargeysa(aftahannews):- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Sakariye Axmed Muxumed, ayaa ka hadlay Afar Weriye oo maanta lagu xidhay magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal, kuwaas oo la sheegay in amarka Xadhiggooda uu bixiyey Maayerka Magaalada Boorama.

Guddooomiyaha SOLJA, waxa uu sheegay inaan xadhigga Weryeyaashan loo marin sharciga, isla markaana waxa uu ku baaqay in xorriyadooda loo celiyo Weriyayaasha, waxaanu soo jeediyey in waxa laga tabanayo loo maro dariiqa sharciga.

Guddoomiye Sakariye oo xadhigga Suxufiyiinta ka hadlaya, waxaannu Warkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan.