Wasiirka Beeraha oo Xilka u Kala Wareejiyey Agaasimaha Cusub iyo Agaasimihii hore Wasaaradda

WASIIRKA BERRAHA SOMALILAND OO XILKA U KALA WAREEJIYEY AGAASIMIHII HORE IYO MID HADDA 2021.jpg
WASIIRKA BERRAHA SOMALILAND OO XILKA U KALA WAREEJIYEY AGAASIMIHII HORE IYO MID HADDA 2021.jpg
Hargeysa (aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa Maanta xilka u kala wareejiyey Agaasimaha guud ee cuusb Rooble Cabdi Muuse iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Beeraha Dr. Axmed Cali Maax.
WASIIRKA BERRAHA SOMALILAND OO XILKA U KALA WAREEJIYEY AGAASIMIHII HORE IYO MID HADDA 2021.jpg
WASIIRKA BERRAHA SOMALILAND OO XILKA U KALA WAREEJIYEY AGAASIMIHII HORE IYO MID HADDA 2021.jpg
Munaasibad Ballaadhan oo si wanaagsan loo soo agaasimay isla-markaana ay ka qayb-galeen Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha Marwo Yurub Abiib Cabdi, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Farxaan Aadan Haybe, Madax ka socotay Hay’adaha taageera Wasaaradda Beeraha, Madaxda Waaxyaha Wasaaradda Beeraha, Madaxda Mashruuca SDF, maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Shaqaalaha Wasaaradda iyo Marti-sharaf kale.
Munaasibadda, ayaa waxa hadallo ka soo jeediyey Inta badan Masuuliyiinta ka qayb-galay, kuwaasi oo amaanay isla-markaana soo dhaweeyay Agaasimaha cusub Rooble Cabdi Muuse, siina Sagootiyey Agaasimihii hore ee Wasaaradda Beeraha Dr. Axmed Cali Maax oo Madaxweynaha Qaranku u Magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga.
Agaasimihii hore ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Dr. Axmed Cali Maax oo halkaas ka hadlay ayaa ka warramay waxyaabihii Wasaaradda Beeraha u qabsoomay muddadii uu Wasaaradda joogay, waxaanu yidhi “Waxa ii Sharaf ah inaan Halkan ku soo dhaweeyo Agaasimaha guud ee cusub Rooble Cabdi Muuse. Muddadii aanu joognay Wasaaradda waxaanu ku guulaysanay Mashruuc la yidhaahdo ‘SOMA SEED” oo dib loogu soo celinayey Siidhkeenii hore, waxa Maanta inoo kaydsan 37 Tan oo loogu talo-galay in lagu celiyo Beeralayda..”
Agaasimaha xilka wareejiyey waxa kale oo uu ka warramay waxyaabaha badan oo Wasaaradda Beeraha u qabsoomay muddadii uu xilka hayey oo ka badnayd laba sanadood.
Agaaismaha Cusub ee Wasaaradda Horuumarinta Beeraha JSL Rooble Cabdi Muuse oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa ka Mahad-celiyey sida loogu soo dhaweeyay Wasaaradda,, waxaanu ballan-qaaday inuu u shaqayn doono si daacadnimo iyo hawl-karnimo ah.
“Waxa muuqata inaynu gaadhi karno Isku filaansho dhinaca Cuntada ah..” ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey inuu ahmiyadda weyn siin doono sidii loo hirgelin lahaa qorshayaasha horumarineed ee hore loo qorsheeyay.
Gabogabadii waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed, waxaanu soo dhaweeyay Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Beeraha Rooble Cabdi Muuse, waxaanu sii sagootiyey Agaasimihii hore ee Wasaaradda Beeraha ooh adda ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose Ka Daawo
https://youtu.be/8z-oxIz9a4U
aftahanincgmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.