Maraykanka oo laba Baxay Boqollaal Ciidan ah oo Soomaaliya ka Joogay iyo Sababta

ASKAR MARAYKANKA KA JOOGTAY SOOMAALIYA OO LAGA SAARAY 2021
ASKAR MARAYKANKA KA JOOGTAY SOOMAALIYA OO LAGA SAARAY 2021

Muqdisho(aftahannews):- Dowladda Maraykanka, ayaa Dalka Soomaaliya kala baxday dhammaan Ciidammeeda ku sugnaa, iyadoo qorsho wakhtiyeedka saarista Ciidankaasi ku beegnayd Jimcihii maanta ee 15-ka bisha Janaayo 2021-ka.

ASKAR MARAYKANKA KA JOOGTAY SOOMAALIYA OO LAGA SAARAY 2021
ASKAR MARAYKANKA KA JOOGTAY SOOMAALIYA OO LAGA SAARAY 2021

Taliska Milletiga Mareykanka ee Afrika kama bixin faahfaahinin sababta Soomaaliya looga saarayo illaa 700 oo ka mid ah Askartooda oo aad u hubeysan. Hase-yeeshee, waxay sheegeen in Mareykanku uu sii wadi doono garab istaagidda Dowladda Soomaaliya iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda islaamiga ah ee Al-Shabaab.

Ciidammada Mareykanka ee ugu dambeeyay ayaa gudaha Soomaaliya galay sanadkii 2007-dii, howshooda ugu weynna waxay ahayd in ay ciidamada dowladda federaalka ka caawiyaan dhinaca tababarka.

Hase yeeshee, Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dilay tiro ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab oo ay ku bartilmaameedsadeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn, maraakiibta gantaallada tuura iyo xitaa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo weerarro qorsheysan fuliyay.

Ciidamada Mareykanka oo howlgallo ka wada Soomaaliya
Ciidamada Mareykanka oo howlgallo ka wada Soomaaliya

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in ku dhawaad dhammaan ciidamada Mareykanka ah ee Soomaaliya ku sugan laga soo saaro ugu dambeyn 15-ka bishan January, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee loo yaqaanno Pentagon.

Saraakiisha taliska ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in askarta ka baxeysa Soomaaliya qaarkeed la geyn doono dalalka dariska ah, si ay u fuliyaan howlgallo xuduudda looga tallaabayo.

Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay, madaxweyne Trump ayaa soo saaray amarro noocaas oo kale ah oo ciidamada Mareykanka looga soo saarayo dalalka Ciraaq iyo Afghanistan.

Muddo dheer ayuu dalbanayay in ciidamada dibadda ku maqan lagu soo celiyo waddanka, isagoo sheegay in faragalinta ay ku baxdo lacag aad u badan wax saameyn ballaaran ahna aysan keenin.

Tallaabada ciidamada Mareykanka looga saarayo Soomaaliya ayaa kusoo aadday xilli maalmo yar uun ay ka harsan yihiin xilliga uu madaxweyne Trump banneynayo xafiiska. Amarkaas wuxuu meesha ka saarayaa qorshihii wasiirkii difaaca Mareykanka, Mark Esper, oo shaqada laga eryay bishii November, kaas oo qabay fikir ku saabsan in milatariga Mareykanka ay sii joogaan Soomaaliya.

TALISKA CIIDAMMADA MARAYKANKA EE AFRICOM
TALISKA CIIDAMMADA MARAYKANKA EE AFRICOM

Bayaan kasoo baxay Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in “amarka ciidamada Mareykanka looga saarayo Soomaaliya horaanta sanadka 2021-ka” uusan micnihiisa ahayn in xukuumadda Washington ay baddashay siyaasaddeedii ku wajahneyd gobolka.

“Waan sii wadi doonnaa inaan wiiqno dhaqdhaqaaqyada xagjirnimada ah ee ay wadaan kooxaha islaamiyiinta ah, kuwaasoo halis u keeni kara dalkeenna, halka aan sidoo kale xaqiijineyno inaan istiraatoojiyaddeenna sii hormarinno,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Xigasho BBCSomali.