Sheekh Maxamed Sh. Ismaaciil oo soo bandhigay Geed uu Sheegay inuu Dawo ka yahay Sixirka & Cudurro kale

Hargeysa(aftahannews):- Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Culimada Dadka Dabiiba oo deggan magaalada Hargeysa, ayaa soo bandhigay Geed uu sheegay inuu dawo ka yahay nooc ka mid ah Sixirka, kaas oo ka mid ah dhirta ku badan dhulka Soomaalida.

Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil, waxa uu sidoo kale sheegay in Geedka loo yaqaanno Guryafanka amma Guryoonta marka laga yimaaddo Sixirka, sidoo kale lagu daweeyo xanuunno badan oo kale, isla markaana Dadkeenna qaar hore ugu adeegsan jireen inay ku daweeyaan xanuunno dhawr ah.

Haddaba, Sheekh Maxamed oo sharraxaya geedkaas iyo waxyaabaha uu dawada ka yahay ee loo adeegsado, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.