Somaliland: Xamaasadda Doodda Xildhibaannada Golaha Wakiillada Xeerka Dekedaha

Hargeysa(Aftahannews):- Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigii maanta ee golahaas si adag uga dooday Xeerka Dekedaha dalka oo maalmahanba dooddiisa ay wadeen Xildhibaannada Wakiillada oo dhawaan loo soo gudbiyey Xeerkaas.

Fadhigii Isniinta maanta ee Golaha Wakiillada oo uu guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaas Axmed-yaasiin Sheekh Ali Ayaanle, ayaa Xildhibaannada dooddooda ka dhiibtay Xeerka Dekedaha maanta, waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde, Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog), Xildhibaan Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan (Shaadh) iyo Mudanayaal kale.

Haddaba, siday Xildhibaannadaasi dooddooda u dhiibteen iyo qodobbada ay is-dul-taageen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.