Beel ka mid ah Beelaha Gobolka Gabiley oo Shaaciyey Musharrax ay u Xuleen inuu Ku Metelo Golaha Wakiillada

Gabiley(aftahannews):- Madax-dhaqameedka, Waxgaradka iyo xubno oo ka mid ah Beesha Reer Xaad Cali Yoonis Jibriil oo ka mid ah Beelaha dega gobolka Gabiley, ayaa  shir jaraa’id oo ay magaalada Gabiley ku qabteen ku shaaciyay Musharraxa ay us oo xuleen in uu ku matalo doorashada golaha wakiilada Somaliland.

Ugu horay  waxaa madasha ka hadlay gudi hore loogu saaray kala saarista musharixiinta oo ka koobnay 15 xubnood, ayaa  faah-faahin ka bixiyay qaabka ay kula kala saareen musharixiinta damacu kaga jiray musharixiinta golaha wakiilada  iyo sida ay kusoo dooreen musharax eng cabdikariim maxamed muxumed oo isagu ah musharaxa beeshu shaacisay.

Sidoo kale, waxaa goobtan ka hadlay qaarkamid ah musharixiintii la tanaasuliyay. Dhanka kale madaxdhaqmeedka beesha ayaa sheegay in ay aqbaleen musharaxa ay gudida soo xushay.

Warkaas waxaan sidoo kale idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wanaagsan:-