Madaxweyne Biixi: Kuwa Xamar Jooga ee reer Somaliland waa jaaliyad dalkooda u soo shaqaysanaya

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka codsaday madaxda dowladda Soomaaliya iyo musharraxiinta mucaaradka in ayna soo faragelin arrimaha siyaasadda ee Somaliland.

“Midowga mucaaridka ah ee Muqdisho jooga iyo madaxweynahooda iyo gobolladooda mid baan u dirayaa, haddii aynnu soomaalinahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dawladood inaga dhigtaye col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quudhaysaan,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Biixi wuxuu sidoo kale sheegay in dadka adeegsanaya magaca Somaliland ee xilka xildhibaanimo ka raadsada Soomaaliya aanay iyagu matalin.

“Waxa idinka sii liita dadka waaweyn ee Somaliland ee halkaas dani ka gashay ee u shaqo tegay waxay doonaanba ha noqdaane ee wax ku doonaya Xamar hallanaga doorto Baarlamaan baannu noqonaynaaye, arrintaasna waxan leeyahay ma geynee xumaan iyo nac uun baad sii abuuraysaan,”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.