Madaxweynaha Puntland oo xil u magacaabay Cabdiraxmaan Faroole

Deni iyo Faroole
Deni iyo Faroole

Garoowe (Aftahannews) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland siciid Cabdilaahi Deni ayaa Senator Cabdiraxmaan Faroole u Magacaabay Gudoomiyaha Guddi qiimayn iyo talo-bixin kasoo diyaariya qiimo dhaca iyo diidmada lacagta shilinka Soomaliga ah.

Magacaabiddiisa ayaa timid kadib shir maanta lagaga hadlayay xal u helida cabashooyinka lacagta shilin Soomaaliga oo madaxweynaha Puntland uu soo qaban qaabiyay iyadoo lagu casuumay Khuburo ku xeeldheer dhaqaalaha.

Guddigaan ayaa looga fadhiyaa in ay muddo saddex cisho ah ku keenaan xal looga gudbi karo dhibaatada soo noqnoqotay ee ka taagan isticmaalka shilin Soomaaliga, kadib markii maamulku ku fashilmay in ay isbedel keenaan go’aamadii hore loo gaadhay.

Deni iyo Faroole
Deni iyo Faroole

Puntland hadda lacagta shilin Soomaaliga lagama qaadanayo, waxayna saameyn xoogan ku yeelatay dadka danyarta ah ee ku tiirsanaa lacagtaas, taasoo ah u ahayd dhaqaalahooda maalinlaha ah.

Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in maamulka u yeedhay wasiiraddii hore ee maaliyadda Puntland, kuwaas oo laga doonayo in ay ku biirayaan habka caqabadan lagaga gudbi karo maadaama ay iyaguba lasoo kulmeen xilligoodii.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.