Madaxweyne Biixi oo Xil-ka-qaadis, Isku Beddel iyo Magacaabis ku sameeyey Xukuumaddiisa

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI ABDI
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI ABDI

Hargeysa (Aftahannews):- Madaxxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa Xilka qaadis, isku beddel iyo Magacaabis ku sameeyey Masuuliyiinta Xukuumaddiisa qaarkood, waxaana xubnaha Xilka laga qaaday ka mid ah Wasiirkii Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Hinda Gaani.

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI ABDI 2020
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI ABDI 2020

Sidaas waxa lagu sheegay Wareegto Madaxweyne Biixi Axadda maanta soo saaray, waxaana nuqul ka mid ah Wareegtada oo soo gaadhay Warbaahinta aftahannews u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-614/012021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku:  Hinda Jaamac Xirsi Maxamed

Wasiirkii Hore ee Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Ku:  Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray)

Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ku:  Cali Xuseen Nuur Beegsi

Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga

Ku: Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta

Ku:  Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

Ku:  Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf

Agaasimihii Guud ee hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Ku:  Xuseen Xaaji Xasan Guuleed

Guddoomiyihii hore ee Guddida Tacliinta Sare

Ku:  Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali

Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Ku:  Maxamed Xasan Sheekh Muumin

Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Tacliinta Sare

Marwo iyo Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen.

Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

  1. Saleebaan Warsame Guuleed Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda
  2. Mustafe Godane Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
  3. Siciid Axmed Jibriil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  4. Axmed Cali Maax Warsame Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
  5. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta
  6. Rooble Cabdi Muuse Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha
  7. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka
  8. Farxiya Maxamed Cabdiraxmaan Daahir Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-geshiga
  9. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka
  10. Mukhtar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta
  11. Aamina Xuseen Maxamuud Jaamac Agaasimaha Guud ee Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda
  12. Jamaal Maxamed Jaamac Cashuur Agaasimaha Guud ee Guddida Doorashooyinka Qaranka

Magacaabid: Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

Markaan Arkay:  Baahidda Loo Qabo Magacaabista Jagada Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Cumar Iid Qaloonbi Samatar laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabid: Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha

Markaan Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaad Arkay:  Baahida Loo Qabo Dhismaha Guddida iyo Agaasinka Mac’hadka Cilm-baadhista Beeraha iyo Kaalinta ay ka Qaadan Karaan Kobcinta Aqoonta iyo Awoodda Wax Beerista ee Dalka;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

  1. Wasiirka Wsaaradda Horumarinta Beeraha Guddoomiyaha Guddida Sare ee Mac’hadka
  2. Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Hargeysa Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
  3. Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Camuud Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
  4. Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Burco Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
  5. Madaxa Waaxda Cilmi-baadhista ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
  6. Dr. Aadan Cilmi Yuusuf Agaasime Fulinta ee Mac’hadka

Magacaabid: Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka

MarkaanArkay: Qodobka 15aad, 90aad iyo 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaad Arkay:  Muhiimadda ay Leedahay in Qaranku Yeesho Guddi Tacliineed oo Qaabilsan Tayaynta Tacliinta Sare ee Dalka;

Markaan Arkay:  Baahidda Loo Qabo Dhismaha Guddida Tacliinta Sare;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

  1. Saleebaan Dirir Cabdi Guddoomiye
  2. Cabdi Ismaaciil Yoonis (Cabdi Duse) Guddoomiye Ku-xigeen
  3. Axmed Muuse Muruud Muxumed Agaasimaha Guud ee Guddida Tacliinta Sare
  4. Dr. Maxamed Cabdillaahi Dagaal Xubin
  5. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax Xubin
  6. Yuusuf Maxamed Cabdi Xubin
  7. Xamda Cabdi Faarax Xubin

Magacaabid: Guddida Hay’adda Caymiska Qaranka

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

Markaan Arkay:  Baahidda Qaranku u Qabo Dhismaha Guddida Hay’adda Caymiska Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

  1. Saleebaan Cawad Cali Bukhaari Guddoomiye
  2. Sahra Aadan Yuusuf Xirsi Guddoomiye Ku-xigeen
  3. Cabdiraxmaan Muuse Cabdi Cali Agaasime Guud

Magacaabid: Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

Markaan Arkay:  Muhiimadda ay Qaranka u Leeyihiin Xubnaha Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Xubnaha Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

  1. Faysal Sahal Jaamac Siciid Guddoomiye Ku-xigeen
  2. Cumar Sheekh Cabdillaahi Ciise Xubin
  3. Cabdifataax Maxamed Axmed (Dayib Guray) Xubin
  4. Siciid Jaamac Raabbi Xubin
  5. Maxamed Axmed Xasan Jabarti Xubin

Waxa aan u mahad-celinayaa masuuliyiintii hore ee xilalka Hay’adda Shaqaalaha hore u hayey.” sidaa ayuu Madaxweynaha Wareegtadiisu u dhignayd.

 

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.