Hargeysa (Aftahannews):- Madaxxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa Xilka qaadis, isku beddel iyo Magacaabis ku sameeyey Masuuliyiinta Xukuumaddiisa qaarkood, waxaana xubnaha Xilka laga qaaday ka mid ah Wasiirkii Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Hinda Gaani.
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI ABDI 2020
Sidaas waxa lagu sheegay Wareegto Madaxweyne Biixi Axadda maanta soo saaray, waxaana nuqul ka mid ah Wareegtada oo soo gaadhay Warbaahinta aftahannews u dhignaa sidatan:-
“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-614/012021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Ku: Hinda Jaamac Xirsi Maxamed
Wasiirkii Hore ee Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Ku: Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray)
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Cali Xuseen Nuur Beegsi
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
Ku: Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur
Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta
Ku: Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi
Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda
Ku: Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf
Agaasimihii Guud ee hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ku: Xuseen Xaaji Xasan Guuleed
Guddoomiyihii hore ee Guddida Tacliinta Sare
Ku: Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Ku: Maxamed Xasan Sheekh Muumin
Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Tacliinta Sare
Marwo iyo Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen.
Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.
UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
Magacaabid: Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;
Markaan Arkay: Baahidda Loo Qabo Magacaabista Jagada Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In Cumar Iid Qaloonbi Samatar laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.
Magacaabid: Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha
Markaan Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaad Arkay: Baahida Loo Qabo Dhismaha Guddida iyo Agaasinka Mac’hadka Cilm-baadhista Beeraha iyo Kaalinta ay ka Qaadan Karaan Kobcinta Aqoonta iyo Awoodda Wax Beerista ee Dalka;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Magacaabid: Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka
MarkaanArkay: Qodobka 15aad, 90aad iyo 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaad Arkay: Muhiimadda ay Leedahay in Qaranku Yeesho Guddi Tacliineed oo Qaabilsan Tayaynta Tacliinta Sare ee Dalka;
Markaan Arkay: Baahidda Loo Qabo Dhismaha Guddida Tacliinta Sare;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Magacaabid: Guddida Hay’adda Caymiska Qaranka
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;
Markaan Arkay: Baahidda Qaranku u Qabo Dhismaha Guddida Hay’adda Caymiska Qaranka;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Magacaabid: Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;
Markaan Arkay: Muhiimadda ay Qaranka u Leeyihiin Xubnaha Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Xubnaha Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Waxa aan u mahad-celinayaa masuuliyiintii hore ee xilalka Hay’adda Shaqaalaha hore u hayey.” sidaa ayuu Madaxweynaha Wareegtadiisu u dhignayd.
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.
You must be logged in to post a comment Login