Ururka Qareenada Towfiiq oo Wasiiro Xukuumada ka tirsan ku eedeeyey farogelin Dacwadeed

Hargeysa (Aftahannews) — Ururka Qareenada ee Towfiiq ayaa waxaa ay cabasho xoogan ka muujiyeen Maxkamadaha dalka iyo Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland.

Qareenadan oo maanta kulan isugu yimid ayaa waxaa ay sheegeen in Maxkamadaha dalku ka gows adaygeen ka garnaqida dacwado ay wadeen.

Waxaanay qareenadani ay diidmada iyo waji gabaxa ay kala kulmeen maxkamadaha dalka ku sababo beeyeen in ay arintaasi ay soo faro geliyeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.