Diyaaraddo sidda ciidanka Haramcad oo ka degay garoonka Baledweyne

ciidanka Haramcad
ciidanka Haramcad

Muqdisho (Aftahannews) – Waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne kaso dagay laba diyaarad oo siday ciidanka Booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Illo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in ciidanka soo dagay ay tiro ahaan gaadhayaan 100-Askari kuwaasi oo aad u hubeysan.

Labada diyaarad ee haatan soo gaadhay garoonka Ugaas Khaliif ayaa midiiba siday 50 Askari walina waxay ku sugan yihiin gudaha garoonka Ugaas Khaliif lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa imaanshaha ciidankan iyo u jeedkooda.

ciidanka Haramcad
ciidanka Haramcad

Warar hoose oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ciidamadan ujeedkoodu yahay sugida amaanka doorashoyinka ka dhaci doona maalmaha soo socda deegaanka Ceeljaalle.

Dhinaca kale imaashaha ciidankan ee Baledweyne ayaa imaanaya xili maalintii shalay aheyd uu gaadhay magaalada Muqdisho madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo hore loogu diiday inuu yimaado magaalada Baledweyne lamana oga ciidankan ujeedkoodu yahay gogol xaadhka imaashaha Cali Guudlaawe ee Baledweyne.

Shacabka ku dhaqan Baledweyne ayaa saaka aad u hadal hayay ciidamadan soo gaadhay Baledweyne, xili duleedka magaalada ay dagan yihiin ciidamo hubeysan oo diidan jiritaanka Hirshabeelle.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.