Dowladda Itoobiya oo shaacisay in ay mas’uuliyiin ka dishay Tigray

Ciidamada Tigray
Ciidamada Tigray

Addis Ababa (Aftahannews) — Ciidamada milatariga dowladda Itoobiya ayaa howlgal ay fuliyeen ku dilay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa xoreynta Tigray ee magaciisa loo soo gaabiyo TPLF.

Ragga la sheegay in la dilay waxaa ka mid ah taageeraha caanka ah ee TPLF, Sekoture Getachew, iyo Daniel Assefa, oo ahaa madixii hore ee laanta maaliyadda Tigray.

Zeray Asgedom, oo ahaa madixii hore ee maamulka warbaahinta Itoobiya iyo Abebe Asgedom ayaa sidoo kale lagu dilay howlgalka, sida ay taliska milatariga federaalka sheegeen.

Bayaan uu soo saaray mas’uulka ugu sarreeya waaxda ciidan diridda Itoobiya, Janaraal Tesfaye Aylew, ayuu ku sheegay in sagaal sarkaal oo kale oo ka tirsanaa TPLF la xidhay.

Ciidamada Tigray
Ciidamada Tigray

Kuwaasina, sida uu sheegay, waa Kidusan Nega, afhayeenkii hore ee maamulka gobolka, Abadi Zemu, danijirihii hore ee Itoobiya u fadhiyay Suudaan, Solomon Kidane, Teklewayini Assefa, Gebremedhin Tewolde, Woldegiorgis Desta, Tewodros Hagos iyo Mihret Teklay.

Hase yeeshee, ilaa hadda ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya dilalka iyo xadhigga ay dowladda Itoobiya sheegatay.

Dowladda ayaa xayiraado adag kusoo rogtay warbaahinta gobolka Tigray, taas oo meesha ka saartay in si rasmi ah loo ogaado waxa ka docda halkaas.

Waxaa xitaa gobolkaas aan loo fasixin in ay ka howl galaan shaqaalaha hayadaha gargaarka.

Mas’uuliyiinta dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa bishii November soo saaray amar lagu soo xidhayo in ka badan 60 qof oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee TPLF.

Waxaana ilaa hadda meelna lagu sheegin qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha TPLF – oo uu ku jiro guddoomiyahooda, Debrestion Gebremichael.

Ra’iisaal Wasaare Abiy Axmed ayaa bishii November ku dhawaaqay in lasoo afjaray howlgalkii milatari ee ka socday gobolka Tigray kaddib markii ay ciidamada federaalka gacanta ku dhigeen caasimadda gobolkaas ee Maqalle.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa xilligaas sheegtay in milatariga federaalku ay dagaalkii dhowrka isbuuc socday ku dileen 550 ka tirsan dagaalyahanada (TPLF).

Kumannaan ruux oo ka barakacay dagaalka ka socday gobolka Waqooyiga Itoobiya ku yaalla ayaa gaadhay dalka dariska la ah ee Suudaan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.