Golaha Wasiirradda Soomaaliya oo ka horyimid ansixinta 12 Safiir oo la horkeenay

Golaha Wasiirradda Soomaaliya
Golaha Wasiirradda Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Golaha Wasiirradda Soomaaliya ayaa shir ay maanta yeesheen ku qaadacay ansixinta ilaa 12 safiir oo ay soo gudbisay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Warar ka soo baxay shirka golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa sheegaya in sababta loo qaadacay ansixinta safiiraddan oo aan  la sheegin mid walba dalka loo magacaabay tahay dood ay ka keeneen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo sheegay in habka magacaabistan aan lagu saleyn saami-qeybsiga beelaha oo isku dheelitiran, islarmarkaana yihiin safiirro hal dhinac u badan.

Golaha Wasiirradda Soomaaliya
Golaha Wasiirradda Soomaaliya

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay in markii danbe uu dib u celiyay safiiradan madaama ay dood ka keeneen qaar ka mid ah Golaha Wasiirradu.

Hoos ka akhriso Warqada Wasaarrada Arrimaha Dibada iyo Magacyada Xubnaha Safiirradda ah ee ansixintooda laga horyimid.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.