Congress-ka Mareykanka oo ansixiyey guusha Joe Biden

Joe Biden
Joe Biden

Washington (Aftahannews)- Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence, oo guddoominayey kulanka Congress-ka, ayaa ku dhowaaqay in 306 ergo doorasho ay codadkooda siiyeen Biden, halka Trump uu ka helay 232.

Trump ayaa labadii bil ee tegay wuxuu si aan caddeyn laheyn ugu celcelinayey inuu isaga ku guuleystay doorashada, wuxuuna ku boorinayey taageerayaashiisa inay ka dagaalamaan natiijada doorashada.

Waxyar kadib markii Congress-ka ay ansixiyeen guusha Biden, Trump ayaa ballan-qaaday inuu si nidaam leh awoodda u wareejin doono 20-ka January, inkasta oo uu yidhi “Si buuxda ayaan u khilaafsanahay natiijada doorashada.”

“Waxaan mar kasta sheegayey inaan sii wadi doonno dagaalkeena si aan u xaqiijino in kaliya codadka sharciga ah la tiriyey,” ayuu yidhi Trump.

“In kasta oo tani ay ka dhigan tahay dhammaadka muddo xileedkii koowaad ee ugu weynaa taariikhda madaxweyne ee Mareykanka, waa kaliya billowga dagaalka aan mar kale Mareykanka uga dhigeyno mid weyn,” ayuu yidhi.

Qoraalkan ayaa waxaa baahiyey, Dan Scavino oo ah agaasimaha warbaahinta baraha bulshada ee Trump.