Faah faahin ku saabsan Qarax saakay ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews) – Hal qof ayaa ku dhintay saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii subaxnimadii hore ee saaka la bartilmaameedsaday gaadhi  ay lahaayeen ciidanka Asluubta Soomaaliya  oo marayay waddada KM4 ee degmada Hodan.

Goobjoogaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaadhiga la bartilmaameedsaday uu lahaa mid ka mid ah taliyayaasha ciidanka Asluubta oo goobta marayay.

Qaraxan ayaa imanaya maalin uun kaddib markii sidan oo kale la bartilmaameedsaday gaadhi uu lahaa Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali waxaana qaraxaasi ku geeriyooday hal qof oo rayid ah.

Bilihii ugu danbeeyayba waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay qaraxyada noocan ah ee lagu bartilmaameedsado mas’uuliyiinta dowladda, hasse ahaatee qaraxyada ayaa inta badan waxaa ay wax-yeelo ka soo gaadhaa dadka rayidka ah.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.