Warbaahin Caalamiya oo saadaalisay in Ruushku uu Saldhig ka samaysanayo Berbera

Hargeysa (Aftahannews) – 15-ka bishan January waxa dalka Soomaaliya ka baxaya Ciidammadii ka joogay Maraykanka, kuwaasi oo sanadihii u dambeeyay halkaa ka hayey hawlo ay ugu muhiimsanaayeen Tababbarada Ciidammada iyo la dagaalanka Kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha Muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Maraykanka Donald Trump ayaa dhawaan soo saaray amar ah in Ciidammada Maraykanku ka soo baxaan dalka Soomaaliya.

Laakiin, Warbaahinta Global risk insights oo War-bixin dheer ka qortay  ka bixitaanka Ciidammada Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa Sawir ka bixisay dhibaatada ka soo foolka leh Soomaaliya haddii Ciidammada Maraykanku ka baxaan, maaddaama oo kooxda Al-shabaab weli awood ku leedahay dalkaasi, iyo fursadaha ugu jira ka bixitaankaasi Dawladaha Shiinaha oo Saldhig Ciidan ku leh Jabuuti iyo Ruushka oo sanadihii u dambeeyay u soo hanqal taagayey inuu galaangal ku yeesho Geeska Afrika.

Global risk insights ayaa sheegay in qorshaha Soomaaliya lagaga saarayo Ciidammada Maraykanku ay fursad weyn u yihiin Ruushka oo joogitaanka Maraykanku ka hor-taagnaa inuu Saldhig ka samaysto Geeska Afrika, balse ka bixitaankiisu hadda ee Soomaaliya uu fursad u yahay Shiinaha uu xidhiidh la sameeyo Saaxiibbada Maraykanka ee Gobolka, halka Ruushkuna uu helayo Fursad uu Saldhig Ciidan kaga samaysto Magaalada Berbera ee Somaliland  “Ka bixitaanka Maraykanka (ee Soomaaliya) wuxuu u oggolaan karaa Shiinaha oo ah dal Saldhig ku leh Jabuuti inuu xoojiyo iskaashiga amniga badaha ee ay la leedahay saaxiibada Mareykanka ee ku sugan gobolka, sida Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka.” Ayuu sheegay Global risk insights, kaasi oo intaa ku daray in haddii Joogitaankii Maraykanka ee Soomaaliya meesha ka baxdo uu Ruushku helayo fursad “joogitaankii xooganaa ee Mareykanku ku lahaa (Soomaaliya) ayaa Ruushka ka hor istaagtay inuu saldhig ciidan ka sameysto Geeska Afrika, laakiin Horumarrada hadda socdaa waxay dhiiri-gelin karaan Qorsheyaasha Ruushka ee ah inay saldhigooda ka sameystaan Dekedda Berbera ee Somaliland…”