Uganda Airlines oo Duulimaadyo ka bilaabaysa Somaliland

Uganda Airlines
Uganda Airlines

Kampala (Aftahannews) — Shirkadda Diyaaraddaha ee Uganda Airlines ayaa sheegtay in ay duulimaadyo cusub ka bilaabi doonto wadamo ay ku jirto Somaliland, iyada oo diyaarad cusub kusoo kordhin doonta diyaaradeheeda bishan aynu ku jirno.

Diyaaradda shirkaddu ay kusoo kordhinayso diyaaradeheedii hore u shaqayn jiray ayaa nooceedu noqon doona Airbus A330, waxaanay noqon doonta diyaaraddii labaad ee Airbus ah ee ay shirkadaasi yeelato.

Uganda Airlines
Uganda Airlines

Shirkadda Uganda Airlines oo shaqadeeda bilawday 28 August ee sannadkii 2019-kii ayaa duulimaadyo hore ugu tegi jirtay wadamada Kenya, gaar ahaana magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi, caasimadda Tansaaniya ee Darasalaam, Kilimanjaro, caasimadda South Sudan ee Juba, Caasimadda Bujumbuura ee dalka Burundi, Dubai,London Mumbai, Goonshu iyo magaalooyin kale.

Diyaaraddan cusub ee shirkadda Uganda Airline ayaa dhowaan ka bilaabi doonta duulimaadyo sida lagu sheegay war qoraal ah oo lagu qoray warsidaha NewVision.

Wadamada ay ka bilaabayso duulimaadyada ayaa kala ah, Somaliland oo ay magaaladda Hargeysa ee caasimadda ah duulimaadyo ku iman doonto, Lusaka oo Sambia ah, Harare oo Zimbaabwi ah, Johansburg oo Koonfur Afrika ah, Jabuuti iyo Ethiopia.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.