Xildhibaan Cige: Madaxweyne, Adigoo Ku Fadhiya Kursigii Ugu Sareeyey Dalka, Lagaama filayn Inaad Ummadda U Kala Abtiriso

Hargeysa (Aftahannews) – Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka halkay marayso, aragtidiisa ku waajahan hadal dhawaan ka soo jeedhay Madaxweynaha, waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay waajibkiisu yahay inuu yahay inuu ummadda isku wado oo aanu kala gurin.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Madaxweynaha ugu baaqay inuu ummadda u soo bandhigo ujeeddada socdaalkii uu ku tagay Jabuuti, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Odhaahdan ka soo yeedhay Madaxweynaha ee ah ciddii Doorashada laga adkaaday hablahooda la guursan maayo, may ahayn inuu sidaas u hadlo, qof caqli leh hadalladan oo kale kuma hadlo, Madaxweynaha waxaynu ku ogayn inuu ummadda reer Somaliland Madaxweyne u wada yahay,dadkii doortay iyo dadkii aan dooranba inuu Madaxweyne u wada yahay,oo waliba reeraha uu sheegayo ee ay ka soo jeedaan Musharixiintii la tartamayey, ha ogaado in Siyaasiyiin ka tirsani ay Xukuumaddiisa iyo Xisbigiisaba ku jiraan, markaas Madaxweyne adigoo og in Xukuumaddaada iyo Xisbigaagaba ay ku jiraan Masuuliyiin ka soo jeeda reerka aad carabaabtay, may ahayn inaad sidaas u hadasho, Madaxweyne adigoo ku fadhiya kursigii ugu sareeyey ee dalka, waxaa lagaga fadhiyey inaad umadda midayso, ee inaad u kala abtiriso lagama filayn”.

Mar uu ka hadlaayey socodaalkii uu Madaxweynuhu ku tagay Jabuuti ayaa yidhi “Madaxweyne waxaad tagtay Jabuuti, waxaad ku maqnayd muddo, haddii aanay ilaa todobaad ahaynba, Madaxweyne dalna hawl culus mooye, muddo intan leeg dal kale laguma maqnaado, ee waxaa wax walba ka layaab badan in adigoo maqanaa intaas oo dhan inaad hadana ka hadli weydo waxaad ku maqnaydo, umaddana u soo bandhigi weydo, jawaabna ilaa hadda lagaama hayo, ceelashan la sheegayo inaad Jabuuti ku wareejisayna waxa la qaadan karo maaha, inkasta oo aanu maqlanayna in Saylacna la wareejinayo, ee Madaxweyne wixii jiraba waa inaad soo bandhigtaa Madaxweyne sharciyan wixii umadda ka dhexeeya inaad u ilaaliso ayuu waajibku yahay, haddii aad maanta tahay Madaxweyne, berri ka maalin ahaan maysid, ee inaad mar kasta daacad u ahaado dalkaaga iyo dadkaaga ayaa lagaga baahan yahay…”.

Dhanka kale, wuxuu Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige ugu baaqay Shacabka ku dhaqan Gobollada Sool iyo Sanaag inay qaatan kaadhkooda diiwaangelinta, ee ay ku codaynayaan Doorashooyinka, waxaanu xusay in tabashadooda ay wax badan kaadhkani ka tarayo.

 

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika