Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Taageero Dhaqaale ka dalbaday Shacabka Soomaalida

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir

Muqdisho (Aftahannews) — Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ee Soomaaliya, ayaa taageero dhaqaale ka dalbaday shacabka Soomaalida.

Waxaanu si toos ah bulshada uga dalbaday inay hiil iyo hooba la garab istaagaan, si uu ugu guuleysto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Muuqaal uu iska soo duubay siyaasigan ayaa qeybihiisa dambe lagu soo bandhigay akoonnada iyo lambarrada uu ku dalbanayo inay taakuladooda u soo mariyaan dadka doonaya hoggaamintiisa.

“Waxaan caawa si toos ah taageero u weydiisanayaa shacabka Soomaalida meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibad, walaalayaal sida aad ogtihiinba ma jiro olole doorasho oo ka maarma garab istaaga dadkiisa, adduunka oo dhana waxaa looga dhaqmaa in dadka u tartamaaya xilka madaxtinimada ay taageero weydiistaan dadkooda,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdihakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir
Cabdiraxmaan Cabdishakuur, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabduishakuur ayaa sheegay inuu meesha ka saari doono caadada ah in dhaqaale doorashada lagu galo la weydiisto dal shisheeye, taas oo sida uu sheegay meesha ka saareysa in dalku qaato go’aano masiiri ah oo madax-banaan.

“Waxaa ayaan darro ah inay caado noqotay, in lagu faano taageero ajanebi iyo dhaqaale laga helo dowlado shisheeye,taas oo keentay in qof kasta oo xilka Soomaaliya ku soo baxa uu maxbuus u noqdo cidii taageerta go’aankeeda,” ayuu yidhi.

Cabdiraxmaan Cabduishakuur ayaa hadalkiisa ku sii daray, “Anagoo ka duuleyna inaan ka xorowno taageerada ajanebiga iyo gacan hoorsiga shisheeyaha, iyo in go’aankeena nalala yeesho, ayaan shacabka Soomaalida waxaan weydiisaneynaa inay nagu taageeraan wax kasta oo ay noo awoodaan, si go’aanka iyo talada ay shacabka Soomaalidu u yeeshaan.”

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.