Maraykanka oo Sheegay inuu Duqaymo ku Dilay Saraakiil Al-Shabab ka tirsan

DIYAARADAHA MARAYKANKA EE DROWNS-KA
DIYAARADAHA MARAYKANKA EE DROWNS-KA

Somalia(aftahannews):- Taliska Ciidammada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa sheegay, in ayaga oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya, ay laba duqeyn ka fuliyeen Soomaaliya, kowdii Janaayo.

DIYAARADAHA MARAYKANKA EE DROWNS-KA
DIYAARADAHA MARAYKANKA EE DROWNS-KA

Qoraal kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in labada duqeynba lala beegsaday dhismooyin ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay deegaanka Kuunyo Barrow. Taliska ayaa intaas ku daray in qiimeyn la sameeyeey ay muujineyso in duqeymahan lagu dilay saddex ka tirsan Al-Shabaab, mid kalena lagu dhaawacay.

AFRICOM waxay sidoo kale sheegeen in duqeymaha ay burburiyeen lix dhisme oo ay leeyihiin Al-Shabaab, mid kalena ay gaartay waxyeello.

“Qiimeynta hurhdaca ah ee taliska waxay muujineysaa inaysan jirin cid shacab ah oo lagu dhaawacay ama lagu dilay howlgalkan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay AFRICOM.

“Duqeymahan waxay si cad u muujinayaan sii socoshada ballan-qaadayad aan u sameyno Soomaaliya iyo saaxiibadeena gobolka,” waxaa sidaas yiri agaasimaha howlgallada AFRICOM Maj. Gen. Joel Tyler.

Weeraradii ugu dambeeyey ayaa imanaya ayada oo Mareykanka uu billaabay inuu Soomaaliya ka saaro ciidanka ka jooga, oo lagu qiyaasay 700 oo askari, kadib amar kasoo baxay madaxweyne Donald Trump.

Xigasho VOASomali.