Diyaarado Maanta fadhiisan lahaa Madaarka Hargeysa oo la joojiyey

Hargeysa(Aftahannews):- Masuuliyiinta Somaliland ee dhinaca duullimaadyada, ayaa celiyey duullimaadyada Diyaaradihii maanta soo fadhiisan lahaa garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Hargeysa, ka dib markii Roob illaa shalay da’ayey keenay dhibic iyo ceeryaan sababay inay diyaaraduhu soo fadhiisan kari waayaan.

garoonka diyaaradaha Hargeysa1

Duullimaadyada Diiradaha ka imanayey dalalka Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Muqdisho, ayaa ka laabtay ka dib markii ay soo caga-dhigan kari waayeen Ceeryaan Madaarka qarisay darted.

Waxaanay Rakaabkii ay duulimaadyadaasi sideen ka dajiyeen Diridhaba, Jabuuti iyo Berbera. Diyaaradda Ethiopian Air-lines, ayaa ku laabatay magaalada Diridhaba, halka diyaaradda Jabba ay u laabataya dhinaca Dalka Jabuuti oo ay ka degtay, wallow imika la filayo in ay dib ugu soo duusho magaalada Berbera, diyaaradda Afrika oo iyana ka soo duushay Dubai ayaa iyana markii ay ka noqotay Hargeysa fadhiisatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.

Sidoo kale, Duullimaadyadii Diyaaradaha Qaramada Midoobay, ayaa iyaguna ku noqday magaalada Muqdisho halka kuwooda yar-yari ay ka duuleen Hargeysa.

Illaa hada wax aka da’aya Madaarka Hargeysa Roob Ceeryaan leh oo aan saamaxayn in ay diyaaraduhu ku degi karaan ama ka haadi karaan, balse waxa la filayaa Rakaabka diyaaradda Afrika Expres iyo Jubba in Basas lagu daad-gureeyo si Berbera looga qaado, wallow Dooxyada Berbera iyo Hargeysa Biyo badani marayaan oo ay Rogmanayaan maaddaama inta badan dalka Somaliland Roobabku ka da’ayeen illaa shalay subax.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.