Komiishanka Doorashooyinka oo shaaciyey in saddex Cisho lagu daray Diwaangelinta Codbixiyeyaasha ee gobolada Bariga

Filed under: Wararka |

Burco (Aftahannews)- Koomiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa si rasmi ah u shaaciyey in muddo saddex cisho ah lagu daray diwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socota gobolka Togdheer iyo degmooyinka Caynaba, Gar’adag, Oodweyne iyo Ceel Afweyn.

Guddoomiye ku xigeenka Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland Mustafe Maxamed Daahir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay goobo kamid ah dibadda magaaladda Burco kasii socon doonto diwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, halka ay goobo magaaladda Gudaheeda ahna ka socon doonto.

Waxa uu sidoo kale sheegay Guddoomiye Mustafe Maxamed Daahir in ay degmooyinka Oodweyne , Caynaba ,Gar’adag ,Ceel Afweyne iyo Qorilugud kasii socon doonto iyagana goobo kamid ah ay shaqaalaha diwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinku kasii shaqayn doonaan mudada saddexda cisho ah ee lagu daray, iyada oo goobahani ay qaarkood noqon doonaan magaalooyinka dhexdooda , halka kuwo kalena ay degmooyinka magaalooyinkaas ka baxsan noqon doonaan.

Waxa iyaguna jiri doona sida uu guddoomiye ku xigeenka Guddida Koomiishanka Qaranka Somaliland sheegay kooxo wareegaaya oo tiradoodu tahay sagaal kooxood.

You must be logged in to post a comment Login