QM oo kaaliye cusub u soo magacawday Soomaaliya

Anita Kiki Gbeho
Anita Kiki Gbeho

Muqdisho (Aftahannews)- Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Arbacadii u magacaabay haweeneyda lagu magacaabo Anita Kiki Gbeho, oo u dhalatay dalka Ghana, ku-xigeenka wakiilkiisa gaarka ah ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM.

Kiki Gbeho ayaa xilkan kala wareegysa ninka jagadan hore u soo hayey ee Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe, kaas oo isagana loo magacaabay kaalliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Libya.

Anita Kiki Gbeho
Anita Kiki Gbeho

Xoghayaha Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in Gbeho ay leedahay khibrad 25 sano ah oo la xidhiidha qorsheynta istaratjiyadda, isku duwidda iyo maamulka siyaasadda waxayna kasoo shaqeysay xafiiska horumarinta arrimaha binu’aadannimada Qaramada Midoobay ee New York.

Haweeneydan ayaa Qaramada Midoobay kala soo shaqeysay dalal colaado ka dhaceen oo ay kamid yihiin Angola, Cambodia, Iraq, Namibia, Sudan iyo Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.