Axmed Madoobe oo si adag u weeraray siyaasadda Madaxweyne Farmaajo ee Arrimaha Doorashooyinka

madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland
madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland

Garoowe (Aftahannews) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland si kulul u weeraray Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa si furan uga hadlay wax isku hayaan isaga iyo Dowladda Dhexe gaar ahaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sida uu hadalka u dhiggay weerar qaawan oo cad ku soo qaaday deegaanno ka tirsan dowlad Gobolleedka Jubbaland.

Gaar ahaan waxaa uu diirada saaray ciidamada ay dowladda Soomaaliya ku daabuleyso gobolka Gedo ee lagu sheegay in ay halkaa ka ilaalinayaan xudduuda Kenya, balse Axmed Madoobey uu ku tilmaamay ciidamo laga leeyahay dano KMG oo siyaasadeed.

madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland
madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland

”Bilaahi Celeykum ma waxaa naloogu sheekeynayaa Annaga in ka badan 700 km oo xudduud ah la leh Kenya 4000 oo ciidamo Kenyaan ahna joogaa dalka  in la yidhaahdo wax ka yar 5km ayaa Kenya laga ilaalinayaa iyadoo leysugu geeyay ciidamo Harimo-Cad Gorgor iyo Shabeel intaba isugu jira” ayuu yidhi madaxweynaha Jubballand Axmed Madoobey.

Waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in uu suuqa ka maqlay in shirkii ugu danbeeyay ee dhaxmaray Madaxda Qaranka iyo Dowlad Gobolleedyada lagu heshiiyay in xildhibaannada Gobolka Gedo uu qaato madaxweyne Farmaajo sidaana ay balantu aheyd.

”Fikirka Suuqa wareegaya ee ah Axmed Madoobe ayaa balan ka baxay oo ah in lagu heshiiyay in 18 ka xildhibaan ee gobolka Gedo uu qaato madaxweyne Farmaajo,  hala ii sheego meesha aan balantaasi ku gallay, tan kale haddiiba uu madaxweynuhu 18 xildhibaan qaadanayo maan iska deyno doorashada maxaa leysku wareerinayaa oo xisbiyo loo sameysanayaa oo musharixiintan Idhaha cadcad leh u soo taagan yihiin, ” Maan qoronno hal xisbi oo ah ” Xisbiga hanti -wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed” kaa maan doorasho ku galno” madaxweynahana xilka ugu baarikeyno ayuu yidhi Axmed Madoobe oo si adag u weeraray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

”Waxaan maanta diyaar u ahay oo aan la qarineynin in saaxiibaddey dowlad gobolleedyada kale min hal magaalo ka taaggaan xildhibaannada ka soo baxaya oo ay siiyaan madaxweyne Farmaajo, Anna aan ka taggo gobolka Gedo oo madaxweynaha siiyo, inta kalana aan qabsano, haddii  kale waa in ay noqotaa  xuquuq loo siman yahay  oo saaxiibkey Axmed Qoorqoor inta uu Dhuusa-Mareeb iyo Gaalkacyo doorashada ku qabto Anna aan Kismaayo oo kaliya la odhan doorashada ku qabo, Gedo gacantaada kuma jirto e” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Axmed Madoobey ayaa dhinaca kale uga diggan dowladda Soomaaliya in ayna qaban doorasho ayna ku jirin Jubbaland iyo Puntland oo aan wali qeyb ka aheyn hannaanka wax loo maamulayo.

Waxaa uu dhinaca kale wax lala yaabo ku tilmaamay in Baarlamaanka wakhtiggiisu dhamaaday wali sharuuc iyo ajandayaal ka doodayaan xili uu fariintaa si toos ah ugu gudbiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo fadhiyay madasha.

Khudbada oo aheyd mid dhinacyo badan taabaneysay ayuu Axmed Madoobey si adag ugu weeraray siyaasada madaxweyne Farmaajo ee doorashada, isaga oo si toos ah iyo si dadban intaba u sheegay in madaxweynuhu doonayo ku shubasho doorasho oo loo adeegsanayo ciidamada Qaranka Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.