Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac sababay oo u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada Soomaaliya oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Beledweyne (Aftahannews) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Buulaburte iyo Jalalaqsi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay wadada u galeen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo kusii jeeday degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Weerarkan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaadhay dhinacyada dagaalamay.

Dagaalka oo ahaa mid aad u culus ayaa qaatay mudo ku dhaw hal saac sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanku.

Maaha  markii ugu horeysay ee weeraro noocaan oo kale oo dhabagal ah lagu qaado ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay fulineyso Al-shabaab.

Dhinaca kale, waxaa xiisad coladeed ay ka taagan tahay xadka gobolada Hiiraan iyo Galgaduud kadib markii deegaano ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud 24-kii saacadood ee ugu dambeysay siyaabo kala duwan loogu dilay wadayaal gaadiid oo kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Galgaduud.

Dilalkaasi oo la xadhiidha aanooyin qabiil ayaa saameyn ku yeeshay isku socodkii gaadiidka isaga kala gooshi jiray labadaasi gobol.

Dilalka la xadhiidha aanooyinka qabiil ee u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ayaa in badan kusoo laablaabtay xadka ay wadaagaan labadaasi gobol iyadoo marar badana laga heshiiyay colaadan ku salaysan qabiiliga oo marwalba dib u soo cusboonaata.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.