Wasiir Bayle: Waxaanu diyaarinay nidaam ka hortagaya ku tagrifalka hantida dowladda ee dadweynuhu leeyihiin

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya. Dr, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya. Dr, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle

Muqdisho (Aftahannews) – Wasiirka maaliyadda Soomaaliya. Dr, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in ay diyaariyeen nidaam maaliyaddeed oo ka hortagaya in ay cidi kaligeed ku tagrifasho hantida dowladda ee dadweynuhu leeyihiin.

Wasiirka maaliyadda wuxuu sheegay in nidaamka ay dowladda kala shaqeeyeen beesha caalamka oo taageero ku bixisay sidii looga hortagi lahaa in dhaqaalaha caalamku siiyo Soomaaliya aanu ku dhicin jeebka wasiir ama cid kasta oo dowladda katirsan.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya. Dr, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya. Dr, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle

“Waxaan maanta ku faraxsanahay in cid alle ciddii timaada in ay ku qasban tahay in ay marto nidaamkaas. Anigoo wasiir ah xitaa awood uma lihi inaan kaligay wax dhihi karo, wayna dhamaatay anaa idhi” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Soomaaliya.

Wuxuu wasiirku sheegay nidaamkaan inuu ahaandoono nidaam kamid ah nidaamka maamulka maaliyaddeed oo uu barlamaanku meel mariyay ayna dhaxlidoonaan dowladdaha ka dambe ee soo socda.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.