Xukuumadda Somaliland oo Dayactir Ku Samaynaysa Masjidka Qiblateynka Ee Magaalada Saylac

Hargeysa (Aftahannews) — Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay markii ugu horeysay shaacisay inay dib u habayn balaadhan ku samaynayso Masjidka qadiimiga ah ee Qiblateynka ee magaalada Saylac.

Waxaa arintan maanta shaacisay Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland mudane, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), oo maanta hortagay guddiga dhaqaalaha ee golaha Wakiillada.

Wasiirka Ganacsiga ayaa sheegay in ay qorshaha ugu jirto dib u dhiska Masaajidka magaalada Xeebeedka Saylac iyo dhismayaal laga hirgelinayo degmadda Laas Geel.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.