Boeing 737 MAX oo samaysay Duulimaadkii ugu horeeyey, Tan iyo xiligii ay ku burburtay Ethiopia

Boeing 737 MAX
Boeing 737 MAX

New York (Aftahannews) – Diyaarada Boeing’s 737 MAX ayaa dalka Maraykanka ku samaysay duulimaadkii ugu horeeyey ee ay rakaab ku qaaday Salaasadii shalay, kadib markii 20-bilood loo mamnuucay badbaadadeeda ama badqabkeeda, balse xayiraadaasi saarnayd ayaa laga qaaday bishii u dambaysay.

Duulimaadka Diyaaradani ay ku samaysay gudaha dalka Maraykanka oo uu lambarkiisu ahaa 718 ayaa ka dushay Miami 10:4am iyadoo ku dagtay Madaarka New York ee LaGuardia Airport oo jadwalkeedu ahaa inay caga dhigato ilaa around 13:08pm.

Boeing 737 MAX
Boeing 737 MAX

Duullimaadka diyaaradda American Airlines ee subaxnimadii Salaadada waxaa saarnaa 100 qof oo rakaab ah, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay shirkadda diyaaradaha.

Diyaaraddu waxay macaamiisha siin doontaa fursad ay ku beddelaan duulimaadyada haddii aanay doonayn inay ku duulaan MAX.

Bishii la soo dhaafay, maamulka duulimaadyada Federaalka ayaa sheegay in Boeing 737 ay isbadalo ku samaysay dhinayacyadii ciladuhu ay hore uga yimaadeen, taas oo shilal ka dhacay Indonesia iyo Itoobiya ay ku dhinteen 346 qof.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.