Dallada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaamtay kala diristii rugta ganacsiga

Muqdisho (Aftahannews) – Dallada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya (SONSA), ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay go’aankii wasaaradda ganacsiga Soomaaliya ay ku kala diray rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay SONSA ayaa lagu sheegay tallaabada lagu kala diray rugta ganacsiga in ay ka hor imanayso sharciga ay ku dhisan yihiin hay’addaha aan dowliga ahayn.

Waxay dalladu ugu baaqday wasaaradda ganacsiga Soomaaliya in la ixtiraamo sharciga, faragelintana laga daayo hay’addaha madaxa bannaan ee ka shaqeeya arrimaha bulshada.

SONSA waxay ka digtay tallaabo kasta oo horseedi karta burbur iyo in kalsooni xumo laga dhex abuuro ganacsatada Soomaaliya.