Madaxweyne Biixi oo Xanaftii Doorashadiisa iyo Xaalado Kale Ka Hadlay

Agabbar (Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafti uu hoggaaminayo oo safar dhinaca dhulka ah kaga yimi dalka Jabuuti oo uu martiqaad rasmi ah ku joogay muddo 5 maalmood ah, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey deegaanno ka tirsan gobollada Awdal iyo Gabiley. Caawa ayaa Madaxweynaha iyo Weftigiisa lagu soo dhaweeyey degmada Agabbar oo uu Khudbad Kaftan, taariikh iyo tirtirsi isugu jirta Madaxweyne Biixi ka jeediyey.

Mar uu Madaxweyne Biixi ka hadlayey marxaladaha xukuumada uu hoggaamiyaa soo martay 3da sano ee ay jirtay iyo awooddeeda.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka warramay faraqa dhanka horumarka iyo wax soosaarka ee u dhexeeya dadka reer Somaliland iyo dadka reer Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa shalay soo maray xadka Jabuuti iyo Somaliland u dhaxeeya, iyadoo ay labada dawladood isla shalay si rasmi ah u shaaciyeen in la furay xadka oo muddo lix sano ah sina u xidhnaa sina u furnaa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.