Maxamed Ibrahim Macallimu oo loo magacaabay Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble  ayaa u magacaabay afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah rug cadaa saxaafadeed.

Macalimuu ayaa hore ula soo shaqeeyay Idaacado dhowr ah oo ay ka mid yihiin kuwo heer caalami ah, isaga oo sanadihii ugu danbeeyayna ka mid ahaa ururrada saxaafadda.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Maxamed Ibraahim Nuur u magacaabay in uu noqdo xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Tallaabadan uu qaaday ra’iisal wasaare Rooble ayaa qeyb ka ah isbadal weyn oo uu ku sameeyay markii horeysay howlwadeennada xafiiskiisa.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.