Jadwalkii doorashada aqalka sare ee Soomaaliya oo dib loo dhigay

Muqdisho (Aftahannews) – Guddiga Doorashooyinka dad ban ee Heer Federaal ee Soomaaliya ayaa shaaciyay isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashada Aqalka Sare ee hore loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar ilaa 6da Jannawry 2021.

Guddiga oo soo saaray warbixin kooban ayaa la wadaagay Madaxda Dowlad goboleedyada in qabashada codsiyada murashixiinta aqalka sare ay ku egtahay 5ta Jannawry 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannawry 2021.

Isbaddalka jadwalkan ayuu guddigu sheegay inuu ku yimid codsi uu guddiga Doorashooyinka u soo jeediyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo codsaday in dib loo dhigo wakhtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.

Madaxweyne Qoorqoor oo Garoowe ku sugan ayaa ku howlan inuu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee dhinaca doorashada, isagoo dhawaan Gaalkacyo kula kulmay madaxweynaha Puntland Siciid Deni. 

hoos ka akhriso qoraalka guddiga

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.