Qarax dhimasho leh oo ka dhacay Muqdisho

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in hal qof uu dhintay mid kalena uu dhaawacmay kadib qarax ka dhacay degmada Kaaraan ee waqooyiga Muqdisho.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada oo codsaday inaan magacooda la sheegin sababo dhinaca amniga ah ayaa sheegay in qaraxan lala eegtay baabuur uu leeyahay mid ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada oo aan markaasi isagu la soconin baabuurka.

Waxaa dhintay qof ka mid ah ilaalda, waxaana dhaawacmay qof kale, sida uu sheegay in mid ka mid ah ilo wareedka.

Dhinaca kale, ilo ku sugan dhunaca galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa iyaguna VOA Somali u sheegay in qarax saaka ka dhacay degaanka Weydow ay ku dhaawacmeen dhowr qof, inkastoo aanay jirin dad ku dhintray.

Dawladda Soomaaliya ayaan markiiba ka hadlin qaraxyadan.

 

VOA