Tirada Carruur Walaalo ah oo Duleedka Berbera Qarax Ku Dilay iyo Booliska oo ka Hadlay

Berbera(aftahannews):- Laba Carruur ah oo Walaalo ahaa, ayaa ku dhintay Duleedka Galbeed ee magaalada Berbera, ka dib markii ay Miino la qaraxday. Waxaana ka warbixiyey sida wax noqdeen Taliyaha qaybta Booliska gobolka Saaxil.

Labada ubadka ah oo ahaa laba Wiil oo walaalo ah, ayaa la kala odhan jiray Shaafici Cabdi Jaamac Subeer Cabdi Jaamac oo 3 jir ahaa, kuwaas oo Miinadu ku qaraxday ka dib markii ay hadhaaga Hub ay heleen ku rideen Dabka Qoysku wax ku karsanayeen, sida uu Booliska Sool xaqiijiyey.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Saaxil Gaashaanle Cabdi Cali Xayd oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Berbera, ayaa sheegay in Waalidka ubadka dhalay guriga ka maqnaayeen marka labada Wiil walxaha qarxa dabka saareen, waxaanu sheegay in Qoysku yahay Xoolo-dhaqato ka dool ku yimi deegaankaas.

Haddaba, Warkaas oo dhammaystiran, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:- 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.