Somaliland iyo Djibouti oo Shaaciyey in Xaaladdii hore ee Xadkooda wax laga Beddelay

Filed under: Wararka |

Lawyo-ado(aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Taliyaha Booliska Jabuuti Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax, ayaa ka hadlay xaaladda Xadka Somaliland iyo Jabuuti oo uu Madaxweynuhu Safar lug ah kaga soo gudbay, ka dib markii uu dalkaa ka soo laabtay.

Madaxweynaha Somaliland iyo Taliyaha Booliska Jabuuti, waxay sheegeen in Xadka ay labada dal wadaagaan si rasmi ah u furan yahay oo aan wax xayiraadi jirin laga bilaabo maanta.

Haddaba, hadallada Madaxweynaha iyo Taliyuhu ka jeediyeen Deegaannada Lawyo-caddo iyo Saylac, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

 

You must be logged in to post a comment Login