Xukuumadda Soomaaliya oo Kala Dirtay Guddigii Rugta Ganacsiga iyo Sababta

WASIIRKA Ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya
WASIIRKA Ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya

Muqdisho(aftahannews):- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kala dirtay Guddiga Rugta Ganacsiga Soomaaliya, ka dib markii ay dhaqaaq muuqda ka samayn waayeen dhanka horumarka ee looga baahnaa.

WASIIRKA Ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya
WASIIRKA Ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar, ayaa si rasmi ah u kala diray Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Waxaanu ku sababeeyey kala dirista Guddiga xaalado cakiran oo cuuryaamiyey horumarka ganacsiga Soomaaliya iyo wax ka qabasho la’aanta arrimahaas.

Wasiirka Ganacsigu, waxa kale oo uu magacaabay Guddi Ku-meel-gaadh ah oo howshooda tahay sii wadidda Xil-howleedka Rugta Ganacsiga iyo diyaarinta doorashada maamul hufan oo ay yeelato Rugta Ganacsiga Soomaaliya.