Raysal-wasaare Rooble Muxuu ka yidhi Xalka Tabashada Musharrixiintu ka Muujiyeen Guddiga doorashada?

MAXAMED XUSEEN ROOBLE RAYSALWASAARAHA SOOMAALIYA 2020
MAXAMED XUSEEN ROOBLE RAYSALWASAARAHA SOOMAALIYA 2020

Muqdisho(aftahannews):- Ra’iisal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa farriin u diray Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Musharrixiintu ka biyo-diidaan doorashada, isaga oo sheegay in Xukuumaddiisu diyaar u tahay qacinta cid kasta oo tabasho ka qabta doorashada.

MAXAMED XUSEEN ROOBLE RAYSALWASAARAHA SOOMAALIYA 2020
MAXAMED XUSEEN ROOBLE RAYSALWASAARAHA SOOMAALIYA 2020

”Waxaan leeyahay Albaabkeygu waa idin furan yahay cid kasta oo doorashada cabasho ka qabta, diyaar ayaan u ahay in aan si guud iyo si gaar ahba u xalliyo.” sidaa ayuu yidhi Ra’iisal-wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dhinaca kale, mar uu ka hadlayey xaaladda dalka ayuu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay is dejiyaan, kuna kalsoonaada Xukuumadda uu hoggaamiyo, isaga oo ballan-qaaday in ay dalka ka dhici doonto doorasho hufan oo loo siman yahay.

Hadalka Ra’iisal-wasaaraha, ayaa imanaya xilli weli khilaaf weyn uu ka jiro hannaanka loo marayo doorashada dalka, dhinaca kalana guddiga doorashadu ay soo saareen jadwal muddo kooban ku soo dhammeystiraya doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.