Madaxweyne Biixi Oo Booqday Safaaradda Somaliland Ee Jabuuti

Jabuuti (Aftahan) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo safar ku jooga dalka Jabuuti, ayaa Maanta booqasho ku tagay Safaaradda Somaliland ku leedahay Magaalada Jabuuti.

Sidaana waxa lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo soo gaadhay Aftahannews, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii shanaad ku sugan dalka Jabuuti oo halkaasi u joogay hawlo shaqo ayaa maanta booqday safaaradda Somaliland ay ku leedahay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaana madaxweynaha warbixin halkaa ku siiyey safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan dalka Jabuuti Amb. Cabdifataax Siciid Axmed oo ay wehelinayaan safiir ku xigeenka, Amb. Cabdilaahi Xaaji Suldaan iyo hawl-wadeenada safaaradda, isagoo ku dheeraaday mudadii uu safiirku joogay wixii u qabsoomay.

Geesta kale maareeyaha dekedaha Jabuuti ayaa sharaxaad ka siiyey Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa aaga cashuuraha ka caagan ee Free Żonę-ka

Dhinaca kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga la socday waxa hadhimo sharafeed u sameeyey maareeyaha dekedaha Jabuuti Mudane Abuubakor Cumar Xadi oo ay wehelinayaan xubno ka mida golaha wasiirrada Jabuuti iyo masuuliyiin kale..”

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose ka Daawo

Aftahannews.com/Hargeisa Office