Itoobiya Maxay Ka Tidhi Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Jabuuti & Baaqii Madaxda IGAD?

MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO DALKA DJIBOUTI 2020
MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO DALKA DJIBOUTI 2020

Addis Ababa (Aftahan) – Dawladda Itoobiya ayaa ka hadashaday Safarka uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku tagay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO DALKA DJIBOUTI 2020
MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO DALKA DJIBOUTI 2020

Warbixinta toddobaadlaha ah ee “The Horn” ee ay wasaaradda arrimaha dibedda ee dawladda Itoobiya ku falanqayso gobalka Geeska Afrika, ayaa waxay shalay ku soo qaadday Socdaalka uu Madaxweynaha Somaliland ku tagay Jabuuti, waxayna sheegtay in Madaxweynuhu uu Jabuuti ku tagay marti-qaad uu ka helay Dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Itoobiya ayaa qoraalka socdaalka Madaxweynaha Somaliland kaga hadashay ku tidhi  “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayay Jabuuti ku qaabishay soo dhaweyn ay roog cas u dhigtay, ka dib in ka badan toddobaad socdaalkiisii uu ku tagay Kenya ee ka cadhaysiiyey Muqdisho, kaasi oo sababay in xidhiidhada la isku jaro. Madaxweyne Biixi wuxuu  Subaxnimadii Arbacada uu Jabuuti socdaal rasmiya oo uu Marti-qaad kaga helay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah.”

Dawladda Itoobiya ayaa waxa kale oo ay qoraalkeeda ku sheegtay “Toddobaadkii hore, Madaxweyneyaasha Dawladaha ku bahooday IGAD oo ku kulmay Jabuuti ayaa ka codsaday labada dhinac (Somaliland iyo Soomaaliya) inay sii wadaan Wada-hadallada “Goluhu wuxuu codsaday dib u bilaabista Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu bogaadiyey doorka Madaxda Gobolka  ee qabashada iyo fududaynta Wada-hadallada..” ayay qoraalkeeda ku sheegtay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Itoobiya.

Dawladda Itoobiya ayaa labadii Toddobaad ee u dambeeyay la socotay dhaqdhaqaaqa diblumaasiyadeed ee Madaxweynaha Somaliland.

Aftahannews.com/Hargeisa Office.