Wararkii Udanbeeyey Sodaalka Madaxweyne Biixi Ku Maraayo Gobollada Dalka Jabuuti

MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO DALKA DJIBOUTI 2020
MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO DALKA DJIBOUTI 2020

Hargaysa (Aftahannews): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo wafti uu hoggaaminayo oo maalintii afraad ku sugan dalka Jabuuti, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jabuuti ee xarunta dalkaas, ka dib markii uu goobo kala duwan marayey illaa shalay.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO DALKA DJIBOUTI 2020
MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO DALKA DJIBOUTI 2020

War-qoraal ah oo Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland lagu baahiyey, ayaa lagaga warbixiyey meelaha uu Madaxweynuhu booqday iyo waxyaabaha uu kala kulmay ama ku arkay.

Qoraalka Madaxtooyadu baahisay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii afraad ku sugan dalka Jabuuti ayaa maanta hadhimo sharafeed loogu sameeyey gobolka Obokh waxaanay ku soo laabteen caasimada Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa oo habeenimadii xalay u hoyday gobolka Tajoro ayaa subaxnimadii saaka, halkaa ka sii amba-qaaday safarkoodii dhulka, waxanay gaadheen gobolka Obokh, iyadoo weftiga madaxweynaha lagu soo wareejiyey dhisme qadiimi ah oo 1884kii uu dhisay gumaystihii faransiisku markii uu soo degay dalka Jabuuti, oo hadda gacanta lagu hayo, ka dibna waxa madaxweynaha loo gelbiyey goob loo asteeyey inay weftigu ku nastaan looguna sameeyey hadhimo sharafeed.
Waxaanay weftigu gobolka Obokh ku soo afmeereen safarkii dhulka ay ku marayeen labadii maalmood ee u danbeeyey oo ay ku soo mareen dekedaha Tajora, Gubeet iyo goobo kale oo muhiima, iyagoo halkaa ka soo raacay Markab loogu diyaariyey oo ku soo celiyey caasimada Jabuuti oo ay hadda ku sugan yihiin.
Waxaana madaxweynaha safarkaa ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed.
Dhinaca Jabuutina waxa weftiga hoggaaminayey wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti, Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali), Maareeyaha Dekedaha Jabuuti Mudane Abuubakor Cumar Xadi, Taliyaha Ciidanka Jamhuuriga, Korneyl Maxamed Jaamac Ducaale, Taliyaha Ciidamada Badda Jabuuti Korneyl Wacays Cumar Boqore Iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya Somaliland, Xuseen Cumar Kawaaliye.”
https://youtu.be/c_gbvbvpPaQ
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.