Weriye Faradheere Oo Lataliye Wasaaradeed Loo Magacaabay

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Dulista Hawadda Somaliya
Maxamed Cabdulaahi Salaad Omaar ayaa u magacaabay Wariye Maxamed Cabdi cisman Faradhere (Lataliyaha) (Warbaahinta) Ee Wasaaraddiisa.

Wariya faradhera ayaa ka mid ahaa saxafiyiinta Muqdisho ee Ka Hawlgali Jiray Television-ka SomNewsTv, isagoo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliya U ahaa madaxa warbaahinta ,
Sidoo Kale Waxa Uu Agaasime Ka Ahaa Xarunta Talla Soo Jeedinta Somaliyeed Oo ah Goob laggu Daraa’seeyo arimaha siyaasadda .Tallana Ka siisa Hogaanka wakhtigaa haysta Somaliya Hadba Xaladaha Taagan
Wariye Fara-dheere ayaa Muddo Ka Ahaa Kalin Fir_fircoon Saxafiyiinta Muqdisho.
isagoona Ka Soo Shaqeeyey qaybo kala duwan, Qarna Soo Maamulay .

Sida, Warbaahinnada kala ah SomNewsTv, SBC Tv, Star Tv, Bulsho Tv, Sdn Tv,
Mustaqbal Radio, Radio Kismaayo Codka Jubalan Iyo Meelo Kaloo Badan.

Ugu Dambayn Wasiir Oomaar ayaa ugartay in uu noqdo lataliyaha Warbaahinta Mudane Wariye sare Maxamed Cabdi cisaam (Faradhere)
Marka loo eego Khibrada uu leeyahay waa nin lagu halayn karo ,sidoo kalena kaalin mugleh ka qaadan Kara horumarinta hay’ada iyo war baahinta dhamaan.