Madaxweynaha Somaliland oo Booqday Dekedaha Jabuuti Qaarkood iyo Goobo kale

MADAXWEYNE BIIXI IYO DEKEDAHA DJIBOUTI 2020.jpg IYO GOOBO KALE
MADAXWEYNE BIIXI IYO DEKEDAHA DJIBOUTI 2020.jpg IYO GOOBO KALE
Jabuuti(aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Waftigiisa oo kooban, isla markaana maalmahan ku sugnaa dalka Jabuuti, ayaa maanta booqday goobo kala duwan oo ka tirsan dalkaas, sida Dekedda Tojora iyo meelo kale.
MADAXWEYNE BIIXI IYO DEKEDAHA DJIBOUTI 2020.jpg IYO GOOBO KALE
MADAXWEYNE BIIXI IYO DEKEDAHA DJIBOUTI 2020.jpg IYO GOOBO KALE
Sida lagu sheegay Qoraal kooban oo Bayjka Faysbuugga ee Afhayeenka Madaxweynaha lagu baahiyey goor dambe oo Caawa ah, ayaa lagaga hadlay goobaha uu booqday Madaxweynuhu iyo Warbixinnada laga siiyey, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidatan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee maalmahan safarka shaqo ku joogay Dalka Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah waxa uu booqasho ku tegay qaar ka mida dekedaha dalka Jabuuti gaar ahaan dekedaha Tajoro iyo Gubeet.
Waxaa Madaxweynaha safarkaas oo ay dhulka ku mareen, hormuud u ahaa wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti, Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali), Maareeyaha Dekedaha Jabuuti Mudane Abuubakor Cumar Xadi iyo Taliyaha Ciidanka Jamhuuriga, Korneyl Maxamed Jaamac Ducaale. Waxaanay madaxweynaha iyo weftigiisa warbiximo ka siinayeen goobahaa muhiimka ah ee madaxweynuhu booqday.
Madaxweynaha iyo Waftigiisa Safarkaa ku wehelinaayey hadhimo sharafeed loogu sameeyey magaalo madaxda gobolka Tajoro oo ay caawa u hoydeen.”

aftahahannews.com

Aftahahannews.com

Hargeysa/Somaliland.