Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya Oo Dastuur Jebin Ku Eedeeyay Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Aftahan) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaaji Cabdillaahi ayaa ka hadlay Xeer uu Madaxweyne Farmaajo uu dib ugu riixay Ansixinta wax ka beddelka Dastuurka KMG, waxaanu ku eedeeyay Madaxweynaha inuu ku dhaqaaqay tallaabo halis ku ah hay’adaha dastuuriga ah.

Guddoomiye Xaashi oo Maanta Shir-jaraa’id qabtay, wuxuu sheegay in Madaxweyuhu si ula kac ah u hor istaagay qoddobo uu ka mid yahay, Xil Gudashada  Baarlamaanka Soomaaliya oo u xil saaran ayuu yidhi dib-u–eegista, Ansixinta iyo Wax ka badalka dastuurka.

Cabdi Xaashi Guddoomiyaha Aqalka Sare  ayaa sheegay in tallaabada uu madaxweynuhu ku ansixiyay xeerka dib u dhiggaya dib -u-eegista dastuurka aheyn mid ka mid ah awoodihiisa sharciga ah ee uu madaxweynuhu leeyahay

”Madaxweyuhu wuxuu ku xad gudbay kala soocidda awoodaha hay’adaha kala duwan ee dowladda sida Sharci dajinta, Fulinta iyo Garsoorka, taasoo ka dhigan in madaxweynuhu jabiyay qoddob dastuuri ah” ayuu yidhi Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Ugu danbeyntii ayuu sheegay in xeerkan uu saxiixay madaxweynuhu yahay mid baalmarsan Dastuurka isla-markaana aan lahayn sida uu hadalka u dhigay Cabdi Xaashi  wax raad sharci ah oo loo cuskan karo.

Xeerkan uu saxeexay madaxweyne Farmaajo ayaa dhaqan galay Maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Diseembar 2020, waxaana la baabi’iyey Sharciga iyo xeer kasto oo ka soo horjeedo arrinkan, iyadoo lagu soo daabicayo Faafinta rasmiga.

Sidan oo kale waxa Go’aanka Madaxweyne Farmaajo uga hor-yimid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office