Ujeedka Safar Taliyeyaasha Millateriga iyo Booliska Somaliland ku Tageen Tukaraq iyo Laascaanood

TALIYEYAASHA MILLATERIGA IYO BOOLISKA SOMALILAND OO GAADHAY TUKARAQ 2020
TALIYEYAASHA MILLATERIGA IYO BOOLISKA SOMALILAND OO GAADHAY TUKARAQ 2020

Laascaanood(aftahannews):- Taliyeyaasha Ciidammada Millateriga iyo Booliska Somaliland Nuux Ismaac’iil Taani iyo Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale oo ay weheliyaan Saraakiil kale, ayaa Khamiistii maanta gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay u tageen wax ka qabashada dhaqdhaqaaqyo nabadgelyada ka dhan ah, sida uu sheegay Badhasaabka gobolku.

Waftiga Taliyeyaasha Booliska iyo Millateriga Somaliland, waxaa deegaanka Guumays ku qaabbilay Masuuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha gobolka Sool Abdiqani Maxamuud Jiidhe, Taliyaha Qaybta Boliska gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni iyo Xubn kale.

Guddoomiyaha SOOL oo soo dhawaynta Taliyeyaasha ka dib Warbaahinta la hadlay, waxa uu sharraxay ujeeddada Waftiga, dilal gobolka laga geystay iyo qorshaha dowladdu ku waajahayso dhibaatooyinka amniga ka dhanka ah.

Taliyeyaasha Millateriga iyo Booliska Somaliland, waxay isla gelinkii dambe ee KHamiista gaadheen Fadhiisinka iidanka qaranka ee Tukaraq, iyaga oo kulammo la yeeshay Saraakiisha Millateriga iyo Dadka deegaanka.

Haddaba, waxaannu Warkan oo faahfaahsan idiinku so gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahahannews.com

Aftahahannews.com

Hargeysa/Smaliland.